Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa si kulul u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday xarunta Jaamacadda Kismaayo oo fariisin u ah Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
“Weerarkan wuxuu ka mid yahay falalka naf-lacaariga ah ee kooxaha nabad-diidka ah ku bartilmaameedsanayaan xarumaha dawladda, falkan fulaynimada ah wuxuu keliya oo muujinayaa taag-darida kooxaha nabad-diidka ah ee hortaagan horumarka ummada, waxaan u sheegayaa caddowga falkan geystay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed mar walba u taagan yahay difaaca dalkooda hooyo, dhismaha ciidankuna u hakan doonin falalka guracan ee Al-shabaab” ayuu yiri Gen. Diini oo tacsi y diraya qoysaskii iyo ehelladii dadkii dhintay.
Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu danbeyn, dadka dagan Kismaayo wuxuu ugu baaqay in si mideysan ay uga soo horjeestaan ururada nabadda iyo xasiloonida diidan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]