Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.
Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa xilkii lagu wareejiyay wasiirka iyadoo ay kasoo qeyb galeen, guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaano, Taliyaha ciidanka Xooga Dalka, saraakiil, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale.
Wasiirka cusub ayaa munaasabdda ka sheegay in uu qorsheynayo xoojinta tayaynta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka,maadaama ay muhiim ay u yihiin difaaca Dalka.
SAWIRRO