Saturday, July 26, 2025

Wasiirka Kalluumeysiga oo difaacay Heshiis Kalluumeysi oo Ruqsad lagu siiyey 31 Shirkad oo Shiinees ah

Wasiirka Kalluumaysiga & Khayraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa difaacay heshiis ay wasaaradiisu gashay oo ay shirkado Shiinees ah ku siiyey ruqsad kalluumeysi.

Wasiirka kalluumeysiga ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib markii si weyn loo cambaareeyay ruqsadda ay dowladda Somalia siiyey shirkadaha Shiineeska ah ee gaaraya 31 shirkadood, iyadoo la dhaafsaday Hal Milyan oo Doolar.

Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda Somalia ayaa sheegay in si daah furan ay u bixisay wejigii koowaad ee bixinta Shatiyada Kalluumaysiga oo lagu bilaabay 31 Shirkadood oo laga leeyahay Dalkaas Shiinaha oo baahi wayn u qaba Kalluunka nooca loo yaqaan Tuna-ha oo helo Baddeena.

Wuxuu beeniyey Cabdullahi Bidhaan wararka sheegaya in wasaaraddu ay shatiyo siisay Maraakiibta Xaaluf ah oo halis gelin kara Kalluunka Baddeena iyo kalluumeysatada yaryar, iyadoo aanay jirin hab lagula socdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON