Monday, June 23, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo beeniyay in la kordhiyay Canshuurta Badeecadda ka soo degta Dekadda Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay in Wasaaradiisa ay kordhisay Canshuurta laga qaado Badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho.Wasiir Beyle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in la kordhiyay canshuurta dekadda Muqdisho, isagoo ku dooday in la keeno caddeynta canshuur kordhinta la sheegayo.

Wuxuu intaas ku daray in Ganacsade ku doodeysta Canshuurta lagu kordhiyay looga baahan yahay inay caddeyn la yimaadaan, haddii kalen arrintoodu noqoneyso mid  dacaayada ah.

Ad

Wasiirka Maalityadda ayaa sheegay in Canshuurta kaliya ee dowladda soo gasha ay athay tan laga qaado Garoonka Muqdisho iyo Dekadda Muqdisho, iyadoo buu yiri aanay jirin  jirin Canshuuro kale oo la qaado.

Ganacsatada Muqdisho ayaa ka hor yimid canshuur lagu kordhiyay shidaalka iyo alaabta kasoo degta dekadda Muqdsiho qaarkeed oo hadda la bilaabay in canshuurta agu saleeyo hal tan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON