Monday, July 14, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo iska fogeeyay Ceymiska Qasabka ah ee shirkadda Takaaful (DHAGEYSO)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xilka sii haya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa ka hor yimid Ceymis lagu soo rogay Gaadiidleyda Muqdisho.

Isagoo la hadlau warbaahinta dowladda ayuu sheegay in ceymiska uu yahay mid hoos taga wasaaradda Maaliyadda, balse aanu jirin sharci ceymiska ku wareejinaya shirkad gaara, wuxuuna caddeeyay inaysan jirin cid ay Wasaaradu u wakiilatay inay qaado ceymis qasab ah.

Wasiir Fargeeti ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin wax shacabweynaha aysan raali ka aheyn in lagu qasbo, isagoo sharci darro ku tilmaamay ceymiska noocaasi ah.

Shirkada ceymiska ee Takaful ayaa dhowaan Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho ku soo rogtay lacago caymis qasab ah, taaso ay ka horjeesteen Gaadiidleyda, kadibna ay hakiyeen maamulka Gobolka Banaadir.

DHAGEYSO WASIIRKA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON