Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ku dhawaaqay in loo tartamayo xilka guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa baraha bulshada soo dhigay farriin ku saabsan arrintan isagoo ku sugan magaalada Garowe oo Golaha Wasiirada ay ku shariayaan, wuxuuna farriintiisa ku yiri: “Waxaa farxad noo ah in aan ku xayeysiino TheEconomist (Wargeys ka soo baxa dalka Ingiriiska) xilka Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya taasoo muhiim u ah horumarinta Maaliyadda. Waxaan kusoo dhoweynayaa qof walba oo leh aqoonteeda leh”.
Lama oga sababta keentay in xilkan lagu xayeysiiyo Wargeys kasoo baxa dalka ingriiska oo ay aad u yar tahay Soomaalida akhrista, waxaase laga yaabaa in looga dan leeyahay qancinta hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah.
Xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa muddo lagu waday inuu soo magacaabo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo diyaariyey shaqsigii uu xilkaasi u dhiibi lahaa.