Wednesday, June 25, 2025

Wasiirka Maaliyadda Somalia oo xafiiskiisa kusoo dhoweeyay ardaygii ka Qalin jebiyay Jaamacadda SIMAD [Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiska ku qaabilay arday naafo ah oo ka qalin jebiyay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Wiilkan oo lagu magacaabo ismaaciil Axmed Maxamuud ayaa qabsaday baraha bulshada kadib markii uu kasoo muuqday xafladii qalin jebinta ardada Jaamacadda SIMAD ee shalay, waxaana si weyn loo baahiyey swirradiisa Qalin jebninta.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta Xafiiskeyga ku qaabilay Ismaaciil Axmed oo ah arday ka qalin jabiyay Kuliyadda Banking & Finance ee Jaamacadda SIMAD.. Guusha Ismael iyo ardayda kale ee Soomaaliyeed waxay tilmaam u tahay mustaqbalka fiican ee naga horeeya. Guul, Horumar iyo farxad…” ayuu wasiir Beyle ku yiri farriin uu soo diray, wuxuuna sheeko iyo kulan la qaatay ardayga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON