Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaan Maanso Baroordiiq ah ka tiriyay qaraxii dadka badan ku dhinteen ee 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.
HOOS KA AKHRISO QORAAL & MAANSADA BAROORDIIQ
Waxa aan baroor-diiq iyo tacsi tiiraanyeysan u dirayaa ummadda Soomaaliyeed, madaxdeeda iyo shacabkeeda, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen boqollaalkii Soomaaliyeed, ee xaq darrada, loogu xasuuqay dagaalkii u dambbeyey ee Muqdisho lagu soo qaaday. Alle, SWT, naxariistiisa ha ugu deeqo boqollaalka geeriyooday, kuwa dhawaca ahna illaahay ha caafiyo.
Waxa xusid mudan, oo aan marnnaba la illoobi-karin dawladaha iyo hay’adaha innoo soo gurmaday ee hiil iyo hooba innoogu deeqay. Ma illaawi doonno!
Falka foosha xun ee maalintii Sabtidii, October 14 keedii, 2017 ka, ka dhacay Magaalo madxada dalka, Muqdisho, waa in aan wax inna baraa, wax inna tusaa, waan hurudnnaaye inna gilgilaa, inna baraarijiyaa oo innaga fikirsiiyaa. Dagaalka dalkan iyo dadkiisa lagu hayo, haddii aynaan isku-duubnni wax kaga qaban, haddaan is-xoraynweyno, taariikh madow, oo aan kollaba cafis lahayn ayaa inna hortaalla. Jiilalka soo socdaana innooma dembbi-dhaafi doonaan. Xakama ku ruuga!
Carruurta iyo dumarka Zoobe ku le’day maxay galabsadeen? Maxay geysteen! Maxay cid u dhimeen oo aan ahayn in ay nolol-maalmeedkooda raacanayeen. Tan miyey filayeen? In maalintaas dhulku la geddoomayo, miyey filayeen? Waa maya!
Somaaliyeey! qosol nooma yaallo, hurddo nooma taallo. Armaabay habboontahay in aan iska wareysanno Maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd “ Mas madaxaa laga dilaa”! Sidaad doonto u qaado oo, maalin walbba deris qadhaadh ayaa la’innoo dhigaa! Waxse ma ku qaadannaa?
Weli waan qoslaynnaa,
qaskaan sii wadnaayoo,
qar baan sii jafaynnaa!
Waxa an ku soo gunaanadayaa baroor-diiqdayda, maanso gaaban oo munaasabaddan ku soo baxday.
Maansadii : “Baroor-Diiq” Waa tan: