Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay uga dhoogay dalka isagoo gaaray dalka Mareykanka.
Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa socdaalkiisa ku sheegay inuu la xiriiro kulamo uu la yeelanayo madaxda Bankiga iyo Hay’adda Lacagta Adduunka.
Socdaalka wasiirka aya noqonaya kii ugu horeeyay laba toddobaad kadib intii uu xilka la wareegay oo ku beegneyd 1-da April, waxaana socdaalkiisu ka danbeeyay kulan uu Muqdisho kula qaatay saraakiil ka socotau World Bank iyo IMF.
SAWIRRO