Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa difaacay canshuurta iibka ee dowladda ay ka bilowday magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo shir jaraa’id saaka ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey waxqabadka wasaaraddiisa, isagoo sheegay in sanadkii hore uu ahaa sanad aad u wanaagsan, isla markaana ay rajeynayaan in sanadkan uu kasii wanaagsanaado.
Isagoo ka hadlayey canshuurta Iibka ee lagu soo kordhiyey Hoteelada magaalada Muqdisho ayuu sheegay in loo baahan yahay dadku inay bixiyaan canshuurta dowladda si ay u awoodo inay dhaqaalaheeda ku tashato.
“Waxaa naga go’an inaan sii wadno geedi socodka la xiriira cafinta deymaha lagu leeyahay soomaaliya, si taa sdowladdu ugu guuleysatana waxa ay ku xiran tahay in shacabka ay bixiyaan canshuurta”. ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo dadka ugu baaqay inay bixiyaan canshuurta.
Waxaa maalmahan aad looga hadal hayaa Muqdisho canshuur lagu kordhiyay iibka oo lagu bilaabay hoteelada qaarkood, iyadoo la arkay canshuur dul saaray Shaaha, Cabitaanka, Cuntada, iyadoo koobka shaaha ah ama Cabitaanka ay la socoto 5%.