Monday, June 23, 2025

Wasiirka Warfaafinta Khaatumo: “Ciidamada Puntland ee Gaalkacyo ayaa dad shacab ah ku laayay Qorille”

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Khaatumo  Axmed Maxamed Xasan(Gacma-yare) ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa rasmiga ah ee Puntland ay soo weerareen dadka shacabka ah eee tuulada Qoriley duleedka Laascaanood ee Gobolka Sool.

GACMO-YARE
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Khaatumo Axmed Maxamed Xasan

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaal qaawan oo uu mas’uul ka yahay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas. “Ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay Gaalkacyo ayaa nagu soo duulay, Gaadiidka dagaalka oo Puntland ay leedahay oo la wada yaqaan ayaa nagula soo weeraray” ayuu yiri wasiirku oo si cad u sheegay in ujeedku ahaa in dadka degaankaasi dhabarka laga soo weeraro.

“Wax ciidan ah ma jiraan oo meesha joogay, dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee degaanka oo waayeel iyo caruur isugu jira ayaa la weeraray oo lagu laayay 15 ruux, waan duulaan qaawan, waxaana mas’uul ka ah C/weli Gaas” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafinta Khaatumo oo sheegay in maamulada Puntland iyo Somaliland ay ku mideysan yihiin caddowtinimada Khaatumo iyo dadkeeda.

Ad

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland, laakiin dhibaatada ka dhacday tuulada Qorile ayaa ah mid xoog leh oo asalkiisu salka ku hayo aano qabiil.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON