Monday, July 14, 2025

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo digniin ka soo saaray magaciisa oo lagu adeegsado Facebook

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay inuu jiro cinwaan barta bulshada wadaagto ee facebook loo adeegsado magaciisa oo been abuur ah, lana doonayo in lagu waxyeelo magaciisa iyo kan Wasaaradda, iyadoo lagu daabaco warar been abuur ah oo ka dhan ah Wasiirka.

maareeye1

Mudane Maareeye ayaa ku hanjabay in dowladda ay tallaabo cad ka qaadi doonto shaqsiyaadka caadeystay inay baraha baraha bulshada u adeegsadaan magacyada Madaxda Dowladda, kuna been abuuranaya hay’adda ama mas’uuliyiinta Qaranka.

Wuxu intaas ku daray  in cinwaanka saxda uu jiro (HALKAN), isagoo been abuur ku tilmaamay cinwaanka kale ee lagu daabaco wararka la doonayo in lagu khalkhal geiyo howlaha Wasaaraddu u hayso bulshada, kaasi oo la doonayo in lagu dhaawaco sharafka Wasiirka iyo Wasaaradda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON