Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhiyadii kalfadhiga lixaad uga socdaan xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta hortagto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali kadib markii ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya u yeereen si ay su’aalo u weydiiyaan.
Xildhibaanada Baarlamaaka ayaa dalbaday in loo yeero wasiirada shirkoodii shalay iyadoo toddobaadkii hore oo laga sugayay Baarlamaanka ay cudurdaar ka keentay inaysan imaan karin.
Wasiirka Waxbarashada ayaa la weydiin doonaa su’aalo badan oo ka taagan hannaanka waxbarashada dalka oo dhaliil badan uu hore ugu jeediyay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulankooda maanta waxay sii wadi doonaans Doodda ku saabsan Xeerka Isgaarsiinta oo in ka badan 65 mudane ay doonayaan inay ka hadlaan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]