Aalla ha u naxariistee waxaa xalay magaalada San Diego ee gobolka California ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxman Jamac Barre.
Geerida Cabdiraxman Jamac Barre ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyey wiilka uu adeerka u yahay Diriye Maxamed Siyad Barre oo hadda ku sugan gobolka Virginia. Marxuumka ayaa waayadan danbe xanuunsanayey.
Cadiraxman Jamac Barre ayey da,diisu aheyd 79 sano. Wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii kacaanka, isaga oo soo noqday ra’isulwasaare ku xigeen, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Wuxuu ifka uga tagay 15 caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
TAARIIKHDIISA
Cabdiraxmaan Jaamac Barre, waxaa uu ku dhashay Luuq sanadkii 1937.
Waxbarasho:
Waxaa uu dugsi hoose ku qaatay: Macalin Jaamac
Dugsi dhexe waxaa uu ka dhigtay: Majestrale
1962: Talyaaniga ayuu ka soo dhigtay Cilmiga Siyaasadda ee Jaamacadda Padova
Shaqo:
Intaasi kadib, markii uu dalka ku soo noqdey, waxaa uu ku biiray wasaaradda arimaha dibadda isagoo qabsaday qeybta dhaqaalaha
1972: Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda
July 1976-1987: Wasiirka arrimaha dibadda
1987-1989: Wasiirka Maaliyadda.
1989: Wasiirka Arimaha Dibadda
1990: Wasiirka Maaliyadda.
1991: Burburkii kadib, waxaa uu ku noolaa dalka Mareykanka
2004: Shirkii Kenya, waxaa uu u tartamay jagada madaxtinnimada Soomaaliya, wareegga 1aad ayuu ku haray isaga oo helay 18(6.59%).
Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaa uu guursaday xaasas badan, waxaa uu dhalay 15, waxaa uu xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.