Wararka laga helayo degmada Dooloow ee Gobbolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dalka Itoobiya ee halkaasi fadhigoodu yahay ay maanta xabsi guri uu ku jiray ka sii daayeen Wasiirkii Caafimaadka Maamulka Jubba Xassan Daahir Yarow (Xasan Dheere) oo muddo 24 saacadood ah u xirnaa ciidamada Itoobiya.
Waxgarad ku sugan degmada Doolow oo magacooda qariyay ayaa Goobjoooge.com u sheegay in shirqool weyn uu ka dhacay shirkii Doolow oo Itoobiya ay ka danbeysay, waxayna sheegeen in siyaasiyiintii Gobolka Gedo ay xabsi guri wax la mida ku jiraan oo aanay ka bixi karin Doolow, xubnahaasina waxaa ka mida:
Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Gobolka Gedo
Cabdi Barre ku xigeenkiiisii
Cusmaan Aw-libaax Ahlu suna
Maxamud Sayid Aadan Siyaasi caana
Guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa ugu war dambeysay shalay markii uu sheegay inaan xil laga qaadin isla markaana sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista Axmed Madoobe.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]