Friday, July 4, 2025

Wasiirkii hore ee Batroolka oo Qoraal ka diyaaryay Qodobada ka maqan Heshiiskii Kheyraadka ee Baydhaba [Akhriso]

-

Waxaan marka hore u hambalyaynayaa madaxda fulinta; heer federal iyo dowladaha xubinta ka ah, sidoo kale maamulka gobolka Banaadir heshiiska ay dhawaan ka gaareen qaabka doorashada 2020 iyo lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (shidaalka iyo macdanta).

Aniga oo ah Wasiirkii hore ee Batroolka & Macdanta, si qoto-dheerna ugu soo dhexjiray wada-xaajoodka kheyraadka dabiicaga ah, waxaan u mahadcelinaya dhamaan dadkii ka soo shaqeeyay in laga heshiiyo kheyraadka sida uu qabo qodobka 44-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Sida Wasiirka cusub ee Batroolka, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed uu sheegay markii uu warbaahinta la hadlay 7-dii June 2018, heshiiskaan waxaa laga soo shaqeynaayey muddo saddex sano ah.

February 2015, Markii aan Wasiir ka noqday Wasaaradda Batroolka ayaan bilaabay inaan xiriir la sameyno dowlad goboleedyada, si aan heshiis ugu gaarno arimaha kheyraadka dabiiciga. Waxaan magacaabay koox wada xaajoodka noo qaabilsan, kuwaas oo safarkoodii ugu horeeyey ku tagay goboladda isla bishii March 2015.

Ujeedada safarkaana waxay ahayd fikrad is-waydaarsi ku aadan arimaha kheyraadka dabiiciga ah. Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah waxay shirkoodii ugu horeeyay ku qabsadeen magaalada Muqdisho 21- kii October 2015-tii, si ay is faham siyaasadeed ugu gaaraan arimaha kheyraadka.

Geedi-socodka wada xaajoodku mid adag ayuu ahaa, maadaama ka qeyb galayaasha ay aragtidoodu ay ku saleyneyd kala aamin baxa siyaasadeed ee dalka ka jirtay. Waxaan doonayaa, inaan u mahadceliyo shaqaalaha Wasaaradda Batroolka, kuwaas oo u dhabar adeygay xaaladihii la soo maray.

March 2016, Dowladda Federaalka waxay heshiis ku meelgaar ah ee maamulka iyo dakhli wadaaga kheyraadka dabiiciga ah la gaartay dowlad goboleedyada Konfur-Galbeed iyo Galmudug. Hase ahaatee, doorashadii 2016 ayaa wada-xaajoodkii kheyraadka hakad gelisay.

Wada-xaajoodkii kheyraadku waxey si rasmi ah dib ugu bilowdeen horaantii sanadkaan, ka dib markii Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah ay soo magacaabeen guddi wada xaajood, taas oo mirodhalkeedu noqday heshiiskii Baydhabo lagu gaaray 5 June 2018.

Maadama aan ahaa Gudoomiyihii hore ee wada xaajoodka kheyraadka waxaan xog ogaal u ahay wixii noo hagaagay, waxaanan tilmaami karaa meelaha aan u baahanahay inaan ka hagaajino heshiiskaan.

Qoraalkaan, waxaan ku ifinayaa qodobada muhiimka ah ee ka maqan heshiiskaan si aan isugu dheelitirno arimaha ku xeeran ka faaidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Ugu horreyn, waa arin farxad leh in Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah ay iska kaashadaan xal ka gaaridda qodobada ugu dhibka badan dib u eegista dastuurka sida lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (shidaalka iyo macdanta). Sidoo kale waxaa xusid mudan in hogaamiyeyaashu u adeegsadeen wada-xaajoodka kheyraadka fursad lagu wada hadlo.

Intaas ka dib, heshiiskan waxaa cinwaan looga dhigay “HESHIISKA LAHAANSHAHA, MAAMULKA IYO WADAAGA DAKHLIGA KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE DALKA (SHIDAALKA IYO MACDANTA)” Tan macnaheedu waxay tahay waa heshiis buuxa. Heshiiska waxa uu ka kooban yahay afar bog (page). Waxaan loo qaateen aheyn in dhamaan arimaha lahaanshaha, maamulka iyo dakhli wadaagaba qoraal afar bog ah lagu soo koobi karo. Waxaa intaa dheer heshiiska kuma jiro qodob tilmaamaya sida wax looga badali karo ama loogu kordhin karo.Sida uu magaca sheegayo waxa uu heshiiska koobayaa shidaalka iyo macdanta.

Inkasta oo shidaalka iyo macdanta dhulka laga wada qodo, taas macnaheedu ma ahan in isku si loo wajahi karo. Waxaa taas sii dheer, heshiiska waxa uu sheegayaa in la abuuro; Hay’adda Nidaaminta Shidaalka (Somali Petroleum Authority) balse ma sheegayo abuurista Hay’adda Nidaaminta Macdanta. Ma waxaa taas loola jeedaa in Hay’adda Nidaaminta Shidaalka ay macdantana maamulayso?

Hadda, waxaa socda dib u eegista dastuurka, heshiiskanina ma kala saarayo qaybta aadaysa dastuurka iyo qaybta aadaysa shuruucda kale ee shidaalka. Waxaan ognahay haddii heshiskaan sida uu yahay loogu daro dastuurka waxaa adkaanaya berito in qodob dastuuri ah la badalo.

Qodobka 1-aad ee heshiiska waxa uu sheegayaa in Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah ay isla maamuli doonaan ayaga oo wakiil ka ah dadka Soomaaliyeed. Dastuurka Ku Meelgaarka ahna wuxuu leeyahay Dowladda Federaalka ayaa maamuleysa arimaha dibadda, difaaca, dhalashada, socdaalka iyo maaliyada. Waxaa xusid mudan in khilaafka ka dhex taagan dowladaha Khaliijka ay banaanka keentay is garabyaaca ka jira Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah. Sidaas awgeed, suurtogal ma tahay in si hagaagsan ay u wada maamulaan kheyraadka dabiiciga Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah?

Qodobka 2-aad ee heshiiska waxa u ka hadlayaa maamulka kheyraadka. Sidaan ognahay maamulidda shidaalka ma ahan wax fudud, maxaa yeelay waxay u baahan tahay aqoon iyo waayo aragnimo durugsan. Hadda ayada oo ay Soomaaliya ku yar tahay aqoontaas lagu maamulo ayaa waxa uu heshiisku amrayaa abuurista Hay’ada Nidaaminta Shidaalka, Shikadda Shidaalka Qaranka, Shirkadaha Shidaalka Dowlad Goboleedyada. Ayada oo ay horey usii jireen Wasaaradda Batroolka, heer federaal iyo heer dowlad goboleedyo. Hay’adahaan dhamaantood waxay u baahan yihiin in loo kala saaro howlahooda, loona helo aqoon iyo dhaqaale ay ku shaqeeyaan. Haddii intaas la waayo waa adag tahay in sida ugu haboon kheyraadka looga faaidaysto.

Qodobka 3-aad waxa uu leeyahay dakhliga kheyraadka waxaa loo qaybsanayaa si isla’eg. Waxey taasi meesha ka saaraysaa daruufaha kala duwan ee ka jira dalka, maxa yeelay dowlad goboleedyadu isku daruuf ma ah.

Qodobka 4-aad waxa uu sheegayaa in dakhliga kasoo xerooda kheyraadka shidaalka iyo macdanta lagu keydin doono khasnad (Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Laakiin ma sheegayo sida dhaqaalahan loo maaraynayo. Heshiiskaan ma tilmaamayo waxa la sameyn doono haddii Dowlad Goboleed ama Dowlad Gobooleedyada qaarkood gebi ahaan laga waayo kheyraad dabiici ah, sida gobolka Fujayra oo ka mid ah dowladaha iskutagga dalka Imiraatka Carabta aan looga helin kheyraad dabiici ah.

Heshiisku ma cadayno xiriirka ka dhexeeya dakhliga iyo masuuliyadaha. Waxaan hadda maqalnaa Muqdisho oo ka cabanaysa inuu saaran yahay culeys badan. Heshiiska ma taabanayo sida loo xallinayo heshiiyadii la galay wixii ka danbeeyay 1991, xogtii hore (ka hor 1991) iyo xogta cusub (xogihii la aruuriyay wixii ka danbeeyay 1991).Sidoo kale heshiisku waxa uu ka gaabsaday goorta la badelayo qeybsiga boqoloyda ah(%). Sida la wada og yahay dalka iyo daruufaha dhaqaalaba way is badalaan.

Sida caadiga haddii aanan heshiiska lagu sheegin goorta uu dhaqan gelayo, waxaa loo fasiraa inuu heshiiskaas dhaqangal yahay maalinta la saxiixay. Heshiiskaan ma sheegayo goorta uu hirgalayo iyo in baaralamaanka laga ansixin doono.

Waxaan ku soo gebagebaynayaa in heshiiska kheyraadka dabiiciga uu yahay talaabo dhanka wanaagga loo qaaday, balse uu u baahan yahay in la kobciyo si uu u daboolo arimaha lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka.

FG:Cilmi baaris soo socoto ayaa fiirin doonta natiijadda ka dhalan karta haddii howlaha ka fiidaysiga kheyraadka la bilaabo iyadoon la dhameystirin shuruucdii iyo nidaamyada lagama maarmaanka u ah.

W/Q: Mohamed Mukhtar Ibrahim
Wasiirkii hore ee Batroolka & Macdanta

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you