Sunday, July 13, 2025

Wasiiro u xayirmay wareegtadii xeer ilaaliyaha Qaranka

Qaar ka mida wasiirada xukuumadii C/weli Sheekh Axmed ee baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala noqday ayaa u xayirmay wareegtadii uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali  Daahir oo safaradda dibadda looga mamnuucay xubnaha golaha wasiirada haddii aanay fasax ka heysan madaxweynaha.

Mutafe-dhuxulow
SII-HAYAHA WASIIRKA WARFAAFINTA MUSTAF DHUXULOW

Wasiirada sida degdegga ah arrintan ay saameysay waxaa ka mida wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo la filayay inuu maanta ka dhoofo dalka, kadib markii ay soo baxday wareegtadana lagu war geliyay inuusan bixi karin, taasoo ku qasabtay inuu baajiyo safarkiisa.

Wasiirka Tacliinta sare Ducaale Aadan ayaa isagana la sheegay inay sidaas oo kale ku dhacday oo uu qarka u saaran yahay inuu kansalo shir muhiim u ahaa, waxayna labadan wasiirba ka mid yihiin xubnaha golaha wasiirada  ee taageersanaa Ra’iisal wasaaraha, kuwaas oo u arka wareegtadan in iyaga looga aargudanayo.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON