Wednesday, June 25, 2025

Website-yada ku dhisan xatooyada ee qaatiga laga taagan yahay: Faallo

Inta aan u guda gelin dulucda ujeedada qoraalkeyga, waxaan doorbiday inaan wax ka iraahdo, xatooyada iyo tuuganimada, taasoo u sabab ah in qofka tuug noqdo faqri iyo baahi ku kaliftay si uu nolol ugu dhigto, laakiinse waxaa foolxumo iyo magac dil ku ah in qofka shaqo iyo mihnad inuu ka dhigto oo weligiis ku noolaado tuugganimo, nolosha asaagiina hoos ugu dhigto.

Waxaa jira dunida qaabab kala duwan oo tuuga looga joojiyo falka uu mihnada ka dhigtay, iyadoo loo marayo qaabab kala duwan, hase ahaatee tuugga technologyada casriga ah adeegsanaya ayaa adag si wax looga qabto, hadeysan jirin dowlad nidaam iyo sharci kala ilaaliya aysan jirin.

Dalalka Yurub, Ameeriko iyo Carabta, waxay warbaahintooda horumar ku gaareen dhowrida xaquuqda “Copyright”, laakiin qorayaasheena Soomaaliyeed ee jiilka cusub nolol iyo sumcad moodeen bililiqeysiga iyo boobka hal abuurka iyo qoraha Soomaaliyeed fikradiisa, waxay ku tahay sumcad xumo iyo in maskaxdiisa adeegsan .

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool, qaarkoodna soo dhigan dugsi hoose ama sare, kuwaasi oo kusoo indha fiiqay dagaaladii sokeeye ama kadib oo bartay dhaqanada dalalka ay ku nool yihiin oo fursado u helay in ay wax uun ka bartaan computerka iyo qaabka wararka loo geliyo website-yada newska ka hadla, waxayna jahawareer ku rideen Soomaalida aqbaar raadiska ah.

Website-yada xatooyada ku dhisan ee ujeedada qoraalkeyga ku wajahan yahay, waxay igu kaliftay inaan ka aamusin, maadaama rug cadayaal saxaafadeed igala hadleen daabacaada qormadan ka hor inta aan faafin, inaan cabadashada xatoyada ay sameeyaan u gudbiya si ay dhaqamada xun u joojiyaan, hase ahaatee aan mar iyo ka badan u gudbiyay in ay adeegsadaan maankooda, balse u dhega dhuglaan talooyinka iyo cabashada aan u gudbiyay, taasoo kaliftay inaan faashix ka dhigo.

Website-yada xatooyada ku dhisan ee ku taagan wararka, qormooyinka iyo muuqaalada maalka iyo maskaxda ku bixino, kasii macaasha ama boobka ku haaya ayaa waxaa ugu horeeyo Website-ka Xogmaal la yiraahdo oo xili walba u taagan, heeganna ugu jiro wixii aan soo daabacno.

Maamulaha website-kaasi ku dhisan boobka iyo xatooyada oo marar badan aan u gudbinay cabashadeena uma dheg lugnaan, taasoo keentay inaan qormadaan kaga hadalno, waxayna ku tahay sumcad xumo iyo garaad la’aan in uu dhowri waayo xaquuqda saxaafadeed ee Copyright-ka.

Tallow qormadaan iyaga lagu dhaliilayo ma noqon doontaa mid ay hubsami la’aan u qaataan iyagoo aan isha marin dulucda iyo ujeedada sida ay u boobaan wararka iyo qormooyinka gaarka ah?.

Dal hadduusan ka jirin maamul iyo kala danbeyn, wax walba ka filo, laakiin dadkii sixi lahaa ama bulshada ku hoggaamin laheyd wadada toosan waa warbaahinta, haddiise warbaahinta naftigeeda ay ku dhisan tahay boob iyo bililiqo, waxba kama naasa caddaadaan.

Dowladda Somalia, gaar ahaan wasaaradda warfaafinta oo u xil saarneyd arrimahaasi waxay maareyn weyday sharci rasmi ah oo lagu dhaqo warbaahinta Soomaaliyeed, yaase looga fadhiyaa arintaan in ay xalkeeda keento?. Waa su’aasha aan is weydiinta mudan.

Cali Muxiyaddiin Cali

Tifaftiraha Warfaafiye.com

[email protected]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON