Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Dagaal saaka aroortii ay maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen degaanka Caad ee Gobolka Mudug, halkaas oo qasaare culus kasoo gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in weerarku ku bilowday Qaraxyo, kadibna dagaal toos ah ay Alshabaab ku ekeysay magaalada Caad oo horaantii bishan ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ka qabsadeen, iyadoo dagaalku socday muddo saacad ka badan.
Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay inay ka War hayeen weerarka Alshabaab, una diyaar garoobeen, iyadoo dagaal culus kala hortegay, halkaasina ku gaarsiiyay jab xoog leh, iyadoo meydad badan oo Alshabaab ah goobta dagaalka lagu arkay.
Tirada Alshabaab looga dilay dagaalka Caad iyo faahfaahinta qasaaraha labada dhinac ayaan weli la xaqiijin, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan qasaaraha dhimashada ee dagaalkii saaka oo ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa ee degaankaasi ka dhaca.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarkii saaka cagta ku mariyeen saldhigyadii ciidamada Gorgor, ayna ku dileem 190 askari iyo dhaawacyo intaas ka badan, isla markaana ay qabteen maxaabiis.