Koox hubeysan ayaa xalay weerar culus ku qaaday guriga uu degan yahay siyaasiga Iftiin Xassan Baasto oo ka tirsan Xildhibaanada Jubbaland, horeba u ahaa siyaasi ka soo horjeeda Axmed Madoobe oo mar madaxweyne ka sheegtay magaalada Kismaayo.

Kooxda ayaa weerarkooda ku ekeeyay guriga uu degan yahay Xildhibaan Iftiin Xasan Baasto oo ku yaalla xaafadda Dalcada ee magaalada Kismaayo. waxaana la sheegay inuu burbur xoog leh kasoo gaaray baabuur uu lahaa iyo dhismaha gurigiisa iyadoo rasaas xoog leh ay ku dhacday, wararka qaar aya sheegaya dhaawacyo soo gaaray ilaaladiisa oo si weyn isaga caabisay weerarka.
Ma jiro wax war ah oo maamulka Axmed Madoobe ka soo saaray weerarkan, waxaana warar la isla dhex marayo in ay ka danbeeyeen askar ka tirsan maamulka, waxaana hore qarax ka dhacay gudaha gurigiisa ugu geeriyooday xaaskiisii iyo wiil uu dhalay Iftiin.
Goobjooge.com