Koox hubeysan ayaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay galabta magaalada Muqdisho.
Weerar ay koox hubeysan ku qaadeen ciidamadan oo ku sugnaa Isgoyska suuqa Bakaaraha ayaa lagu dilay sarkaalka, halka lagu dhaawacay askari kale oo la socday.
Dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsatay, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamada ammaanka. Waa markii labaad ee isla goobtan lagu dilo askar ka tirsan ciidamada dowladda, lagana qaato hubkii ay wateen.
Askar iyo saraakiil dhowr ah ayaa maalmihii ugu danbeeyay lagu dilay weeraro qorsheysan oo intooda badan ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo agagaarkiisa.
Goobjooge.com