Faahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxeysa weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaam ah oo caawa lagu qaaday Hotel ku dhow Xarunta madaxtooyada Villa Somaliya iyo Xabsiga Godka Jilacow ee hay’adda NISA.
Weerarka ayaa lala beegsaday Hotelka Villa Rosa oo ay degan yihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Hay’adaha Dowladdda Federaalka, waxaana Hotelka laga maqlay qaraxyo iyo rasaas, waxaana soo baxay warar kala duwan.
Ilaa saddex dabley ah ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Hotelka Villa Rosa oo ay ka dhex dagaalamayaan, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhawac leh.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga Maxamed Doodishe uu ku dhaawacmay Weerarka, waxaana dhaawiciisa lagu sheegay inuu ka dhashay markii uu derbi ka booday, qaraxa ka dhacay Hotelka kadib.
Qaar ka mida wasiirada hotelka deganaa ayaa sheegay inay bed qabaan qarax kadib, halka qaar kale la sheegay inay ku dhawacmeen weeraka socda.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Aadan Aw-Xersi ayaa Farriin uu soo diray ku sheegay inuu bed qabo, kadib weerarka lagu qaaday Hotelka uu deganaa ee Villa Rosa. Dhinaca kale Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Doodishe iyo wasiirka kaluumeysiga ayey ciidamadu ka saareen Hotelka.
Alshabaab aya sheegatay weerarka, iyadoo qoraal kasoo baxay lagu shaaciyey inuu socdo weerar ay Dabley ka tirsan ku qaadeen madaxtooyada soomaaliya oo dhowr jiho ay ka galeen.
