Gaari taxi ah oo lagu jiiray dad badan oo ku sugnaa bartamaha magaalada Moscow ee dalka Ruushka oo xilligan marti gelinaya koobka adduunka ee K/cagta ayaa qasaare dhaawac u badan.
8 qof ayaa ku dhaawacmay Gaariga Taksiga ah oo dhex galay isagoo xowli ku socdo dad badan oo ku sugnaa meel u dhow fagaaraha cas ee magaalada Mosoce, waxaana dadka dhaawacmay la sheegay inay ku jiraan taageerayaasha xulalka Mexico oo berri la ciyaari doona xulka Jarmalka.
Booliska ayaa sheegay in darawalka falkan geystay oo Gaariga koontarooli waayay, halka warar kale sheegayaan in laga yaabo inuu cabsanaa, wuxuuna isku dayey inuu baxsado, waxaase gacanta ku dhigay Booliska.
Darawalka oo heystay ruqsad gaari wadashada ee dalka Kyrgyzstan ayaa su’aalo la weydiinayaa, waxaana la baahiyey leysinkiisa oo sawirkiisu ka muuqdo.