In ka badan 60 askari ayaa lagu dilay weerar is-miidaamin ah oo saaka lagu qaaday xero ciidamada dowlada Yeman ku leeyihiin magaalada Cadan.
Weerarka oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ahaa lala beegsaday xarun ciidamadu leeyihiin oo ay ku sugnaayeen askar cusub oo la qorayay.
Sida ay soo weriyeen wakaalada wararka qof waday gaari miineysan oo ayaa ku dhex qarxiyay xarun ciidamada lagu tababarro oo ku taala waqooyiga magaalada Cadan, waxaana halkaasi ka dhacay qasaare baaxad leh.
60 dhaawac ah oo qaarkood xaaladoodu liidato ayaa la geeyay isbitaalada, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay sii kororto.
Magaalada Cadan ayaa xarun u ah dowladda Dibadda joogga ah ee uu hogaamiyo madaxweye Cabdirabi Mansuur Haadi, kadib markii kooxda Xuutiyeen ee shiicada ah ay la wareegtay talada dalkaasi, waxaana colaadda dalka Yeman lagu dilay in ka badan 6,600 ruux sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Goobjooge.com