Sunday, July 13, 2025

Weerar qorsheysan oo lagu qaaday xarun Canshuurta lagu qaado oo Alshabaab ku leeyihiin degmada Balcad.

Laba xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar qorsheysan oo shalay lagu qaaday xarun ay Alshabaab ku qaadaan Canshuurta oo ay ku leeyihiin degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Weerarka oo ay qaadeen ciidanmada Milatariga iyo kuwa NISA ee ayaa ka dhacay degaanka Deniga ee duleedka Degmada Balcad, halkaasoo ah goob ay maleeshiyaadka Al-Shabaab Gaadiidka ku amreen inay maraan, ugana qaadi jireen canshuur.

Alshabaab ayaa si weyn uga howlgala Gobolka Sh/Dhexe iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad oo kaabiga ku heysa caasimadda Soomaaliya, waxayna xarumo waaweyn ku leeyihiin degaano dhowr ah oo Garsoorkooda ay fadhiyaan, kana howlgalaan qeybta canshuur qaadista.

Howlgalkan ayaa keenay inay xiranto goobtii canshuurta Ashabaab ee Gaadiidka isaga kala goosha Balcad iyo Jowhar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON