Shirka maamul u sameynta ee ka socday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa inuu galo wejigiisii labaad kadib markii la xareeyay inta badan ergadii beelaha goboladda dhexe, waxaana la filayaa in wejiga cusub ee shirku galayo uu furmo Khamiista.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odowaa ayaa laga sugayaa inuu gaaro Cadaado si wejiga cusub ee shirka uu furo, waxaana shalay tegay halkaasi wafdi kale oo hordhac ah. Laba beelood ayaa weli ku qanacsaneyn shirka Cadaado ka socda oo bannaanka ka taagan iyadoo weli ay socoto waanwaan lagu qancinayo.
Beesha Xeraale oo shir jaraa’id ku qabatay degaankeeda ayaa ku dhawaaqday inay isaga baxday shirka Cadaado iyadoo eedeyn u jeedisay dowladda Federaalka iyo guddiga farsamada shirka, laakiin wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in xubno ka socda beesha ay ku sugan yihiin shirka.
Ergada la xareeyay ee beelaha goboladda dhexe ayaa waxaa hor yaalla inay xulaan xubnaha Baarlamaanka, kadibna la doorto madaxda baarlamaanka oo markaas kadib dooran doona madaxda maamulka cusub.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]