Monday, June 23, 2025

Wejiga saddexaad ee Shirka Cadaado oo furmaya iyo xulista xildhibaanada oo socota

Shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ayaa la sheegay inuu galayo wejigiisii saddexaad iyadoo dhowaan la soo gabagabeyn doono wejigii labaad oo ergada shirka ay ku ansixiyeen Dastuurka maamulkaasi, waxaana la furi doonaa wejiga saddexaad ee shirka.

Cadaado-shirka

Sida ay sheegeen wararka laga helayo magaalada Cadaado waxaa lagu dhex jira xulitaanka xubnaha Baarlamaanka Kumeelgaarka ah ee maamulkaasi yeelanayo oo intooda badan beelaha labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud ay soo magacawdeen, waxaana wejiga saddexaad lagu furi doonaa xubnaha Baarlamaanka oo dooran doona guddoon isla markaana guddi doorasho sameysan doona si loo doorto madaxda maamulkaasi.

Ad

Shirka Cadaado oo caqabado badan iyo isjiid-jiid soo maray ayaa hadda gelaya wejigii ugu danbeeyay, inkastoo weli ay jiraan caqabado aan la xalin, sida beelo cabanaya iyo qaar qaadacsan, laakiin waxaa muuqata inuu guddiga farsamada shirka iyo dowladda Federaalka ay ka go’an tahay inaan cidna loo hakin dhismaha maamulka, lana qanciyo dhinacyada oo dhan.

Mid ka mida madaxda sare ee dalka ayaa la filayaa inuu tago Cadaado si uu u soo gabagabeeyo wejiga labaad ee shirka una furo wejiga ugu danbeeya ee saddexaad.

 

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON