“KALA WAR LA,AANTA SHACABKA IYO DOWLADDA”
Waxey aheyd 1:42 Pm xiliga Muqdisho iyo wadada Makkah Al_Mukarama.Maleeshiyaad aad u hubeysan oo madax banaan islamarkaana wata 2 Gaari iyo tuute Kaaki ah dibna aan ka xaqiiqsaday inaanay ka tirsaneyn ciidamada Qaranka ayaa wadada oo saxmad aheyd waxa ay bur bur gaarsiiyeen ilaa sadex gaari oo ay wataan dad shacab ah kuwaasoo wadada marayay hase ahaatee ay ku dhaceen iyagoo wadada dhinac qaldan uga socday, gawaarida ay maleeshiyadkani wateen oo ka koobnaa Land Cruiser iyo TOYOTA ama Qooqan.
Kama aanay xumeyn dhibka ay dadka gaarsiiyeen weliba waxay u raaciyeen handadaad,Qoryo ku taagis,Hoon iyo inay si xoog ah isaga leexiyaan,waxaan anigu ka mid ahaa dad dhulka u degay markii ay dhowr xabadood rideen,waxaan eegay wadada bartankeeda waxaa ku sugnaa askari katirsan ciidanka Traffic oo si wanaagsan gawaarida u kala hagayay, sidoo kale waxaa marayay gawaari ay ciidamada amnigu wataan mase suurto gelin in dadka gawaaridooda ay maleeshiyadani jajebiyeen ay ciidamada wargeliyaan, maxaayeelay raga hubeysan ma ogoleyn in Traffic ay kala saarto qaladkooda oo muuqday dartiis,dhowr kamid ah ragaasi oo dad badan ay lahadleen ma aheyn rag gar qaadanaya waxeyna aad ugu faraxsanaayeen inay si qasab ah ku maraan wadada iyagoo aan wax tixgelin ah siinin milkiilayaasha gawaarida ay jajabiyeen.
Qoraxda oo aad u kuleyd waxaa mar qura isku xirmay isku socodkii wadada waxaanse aad ula yaabay markaan kula taliyay milkiilayaasha gawaarida lagu dhacay inay ciidamada amaanka ee wadada maraya u gudbiyaan cabashadooda ee ay iigu jawaabeen waa isla askartii dowladda waxa sidan noola dhaqmay waxaana dhici karta in dhib kale naga soo gaaro ama ay rasaas nagu furan iskana cararaan, sidaa darted waxaa noo dhaanto inaan allah u dacwoono.
YAAB IYO AMAKAAG
- Intaa kadib anigoo qalbigeyga uu kusoo maaxanayo hadalkaas ayaan dib u fikiray waxaanan isweydiiyay su,aalahan.
Maxey hay’adaha amniga dowladu hubka uga dhigi la,yihiin maleeshiyaadka madaxa banaan ee ay leeyihiin shirkado,Ganacsato, Hay’ad ama Private Securty Company mar hadey hubka iyo gaadiidka ku dhex wataan wadooyinka islmarkaana ay shacabka ku handadayaan? - Xitaa haduu u sharciyeysanyahay ma waxaa loo ogolaaday inay xarumahooda ku ilaaliyaan mise inay wadooyinka iyo dadweynaha kula wareegaan ama shacabka lagu qabto?
- Maxaa looga fikiri waayay side shacabku ku kala gartaan ciidama dowladda iyo maleeshiyadk
a madaxa banaan ee sida gaarka ah loo leeyahay ileen hubka iyo dharka waa isaga mid?
- Xaq ma u leeyihiin cidaan aheyn ciidamada amniga inay magaalada dhexdeeda rasaas ku rido islamarkaana gawaari islaameed ay awaamiir siiso?
Intaa kadib waxaa iisoo baxday in cabashooyin iyo tabasho badan oo ciidamada dowladda dusha looga tuuri jiray aanay laheyn iyagu, hase ahaatee ay geystaan intaas iyo dambiyo ka waaweyn maleeshiyaad kuwan oo kale ah,waxaase weli eeda dhankooda qeyb ku leh wasaaradda amniga oo aan soo saarin wax xakameynaya maleeshiyaadka noocaan ah ee isku ekeysiinaya ciidamada dowladda taasoo keeneysa in shacabka iyo dowladdu ay KALA WAR LA,YIHIIN shakina kala qaadaan eysan labadooduba ku lug laheyn.
W/Q: BASHIIR KHALIIF GAANI
[ad name=”HTML-1″]