Wasaarada Warfaafinta Dowladda Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqday Agaasimaha guud ee Telefishanka cusub ee Jubbaland iyadoo loo magacaabay Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (SAXANSOXO) oo ah weriye caan ah oo markii ugu danbeysay ka howlgalyay idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqidsho, horena fadhigiisu u ahaa dalka Koonfur Afrika.

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa warbaahinta u akhriyay digreetada magacaabista Agaasimaha Tv-ga Jubbaland , mudane Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansaxo). Wuxuuna sheegay in markii ay arkeen baahida dhanka hogaaminta Tvg-ga cusub ay Wasaaradiisu go’aansatay inay Cabdinaasir Saxansoxo u magacawdo Agaasimaha Telefishanka Jubbaland.
Agaasime Saxansoxo waxaa uu kasoo shaqeeyay xarumo warbaahin oo kala duwan, Caalami iyo maxalli intuba isugu jira, waa rug cadaa saxaafadeed oo wax badan ka yaqaana Saxaafada aduunka maanta iyo mida Soomaaliyeed.
Cabdinaasir Sheekh Bashiir waa 27 sano jir, dalka dibadiisana kusoo qaatay tacliinta saxaafadda, Waxaa maanta loo magacaabay oo uu hagi doonaan Telefishinka curdanka ah ee Jubbaland ay dhowaan yeelatay. Wuxuu hore u furay Radio Kismaayo oo hadda ka howlgala magaalada Kismaayo, sidoo kale waa Tifaftiraha Wargeyska Kismaayonews.com iyo weriye ka tirsan Radio Goobjoog ee Muqdisho.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]