Thursday, June 26, 2025

Weriye Caan ka ah Soomaaliya oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi

Allaha u naxariisto waxaa goor dhoweyd la soo weriyay inuu geeriyooday Maxamed Maxamud Macalin (MM Macalin) oo ahaa weriye caan ah oo ka howlgala warbaahinta dowladda Soomaaliya.

MM Macalin ayaa ka mid ahaa weriyeyaashii Soomaaliyeed ee kasoo howlgalay dowladii hore ee Soomaaliya, isla markaana kasoo shaqeeyay Bankiga Dhexe, isagoo ahaa ruugcadaa saxaafadeed.

Weriyaha oo hadda ka tirsanaa Telefishanka Qaranke SNTV ayaa hore u soo noqday agaasimaha Radio Muqdisho. Waxaa la sheegay inuu dhowaanahan soo wajahay xanuun keenay in loo qaado magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo uu ku geeriyooday.

Bahda Goobjooge waxay tacsi u direysaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Macalin, waxayna eebe u baryayaan naxariistii Jano.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON