Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska maanta ku geeriyooday weriyihii caanka ahaa ee Axmed Cabdi Nuur.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa wariyeyaashii waaweynaa uguna caansanaa Soomaalida, isagoo kasoo shaqeeeyay Radio Muqdisho oo uu ku biiray sanadkii 1982, kadibna u wareegay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da. Axmed Cabdinuur la xaqiijiyey inuu u geeriyooday cudurka ee Covid-19, sida ay BBC-da u sheegtay xaaskiisa.
Marxuum Axmed Cabdinuur wuxuu BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996, isagoo noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga u jooga magaalada Muqdisho. kadib wuxuu u wareegay Xafiiska London ee BBC-da. isagoo sanadkii 2019-kii ka fariistay shaqada BBC Soomaali.
Allaha u naxariisto Weriye Axmed CabdiNuur ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.. AAMIIN
