Weriyaha caanka ah ee Warbaahinta dowladda C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa bilaabay olole uu baraha bulshada ku baahinayo weerarro ka dhan ah qaar ka mida mas’uuliyiinta dowladda.
Weriye Afrika oo dhowaan dhaawac ka soo gaaray ciidamo milateri ah oo ku rasaaseeyay magaalada Muqdisho ayaa ku jira isbitaal ku yaala magaalada Nairobi, wuxuuna halkaasi ka wadaa ololaha cusub oo uu ku bilaabay agaasimihiisii hore ee Radio C/raxmaan Ciise Caddow.
Wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyay weriye Afrika weerar ka dhan ay agaasimihiisii hore isagoo ku eedeyaya inuu denbiyo kula kacay dad kala duwan xilligii uu ahaa afhayeenka Maxkamadaha islaamiga, wuxuuna shaaciyay muuqaalo arrintan ku saabsan.
Lama oga sababta ku kaliftay weriye Afrika inuu falkan ku kaco isagoo dhinaca kale ah weriye warbaahinta dowladda ka tirsan, laakiin hore ayuu weerarro warbaahineed ugu qaaday wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa iyo Wasiirka Madaxtooyada Mahad Maxmed Salaad oo markii danbe la xaliyay, waxaase loo maleyn inay salka ku hayaan arrimo la xiriira khilaafaad shaqsiyeed iyo baad laga qaado mas’uuliyiinta.
Goobjooge.com