Weriye C/casiis Maxamed Guuleed (Afrika) ayaa sheegay inuu gurigiisii ku bas beelay qarixii maanta ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Weriyaha ayaa bartiisa soo dhigay war uu ku eedeeyay mas’uuliyiinta dowladda ee sheegay in la fashiliyay warka isagoo is weydiiyay sida jidkii gaadiidku mari waayeen ay ku dhacday inuu Gaadiid qarax sida uu soo dhaafo, waxaana weriyaha waxaasi oo dhan uga darnaa guri la’aanta soo wajahday.
HOOS KA AKHRI
In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay, 50 meeyo kalana way dhaawacantay Qarax gilgilay Afaafka Hore ee Madaxtooyadda. Ugu yaraan 10 ka mida Dadka dhaawacmay waxay ka shaqaynayeen Warbaahinta Qaranka. Aniguna waxaan ka mid ahay Dadka ku guryo beelay, Gabi ahaanba Gurigaygii wuu ku burburay. Lkn cidina wax kuma noqon.
Waxaan arkayay Masuuliyiin leh waa la fashiliyay, Ma garan waxa la fashiliyay. Aawayse Jidadkii xirnaa ee aan dhibka ku mari jirnay mise Qaraxa Jidku kama xirmo?.


