Monday, July 14, 2025

Weriye Farxaan M. Jimcaale oo loo magacaabay Tifaftiraha Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da

Weriye Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka mida saxafiyiinta da’da yar ee ugu cadcad Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay  jagada Tifatiraha iyo Maamulka xafiiska London ee BBC laanta Afka Soomaaliga.

Xilkan waxaa hore u hayay Weriye C/raxmaan Maxamed Aaden (Koronto), waxaana tani loo arkaa isbedel cusub oo ku soo kordahay Idaacadda ugu weyn idaacaha ku hadla Afka Soomaalida.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka soo jeeda jiilka cusub ee weriyeyaasha Soomaalida ayaa xilkan la wareegaya xilli xasaasi ah oo oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ay wado qorshe ku saabsan  hirgelinta Telefishin maqal iyo muuqaal ah oo  gaari kara  degaanada dadka ku hadla Afsoomaaliga ee Bariga Afrika.

Weriye Farxaan M. Jimcaale oo loo magacaabay Tifaftiraha Laanta
WERIYE FARXAAN MAXAMED JIMCAALE

C/raxmaan Koronto ayaa ahaa weriye aad u degan oo karti shaqo ku caan baxay, waxaana la filayaa in Farxaan Maxamed Jimcaale dardar gelin doono idaacadda Afka Soomaaliya ee BBC-da oo hadda hiigsaneysa laba kacleyn cusub oo dhinaca warbaahinta ah.

Weriye Farxaan M. Jimcaale oo loo magacaabay Tifaftiraha Laanta
WERIYE CABDIRAXMAAN MAXAMED AADAN -KORONTO-

Inkastoo BBC-da tahay idaacadda ugu shacbiyadda badan, haddana oo joogitaankeeda Soomaaliya iyo weriyeyaasha ay ku leedahay gudaha Soomaaliya ayaa noqday muddooyinkii danbe mid aad u liita. taasoo loo aaneynayo in BBC-da Laanteeda afka Soomaaliga ayaa muddooyinkii danbe ku shaqeyneysay siyaasad dhinac u janjeerta oo howsheedii oo dhan loo wareejiyay dalka Kenya.

Waxay dadka qaarkii fahmi la’ yihiin  in BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ay gudaha Soomaaliya xilligan ku leedahay laba weriye oo kaliya oo kala jooga Muqdisho iyo Hargeysa. Waxaa kaloo isu qaban la’ sida BBC-du ugu guurtay Kenya iyo miisaan la’aanta ka jirta isu dheelitirka tebinta wararka Soomaalida.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON