Sunday, July 13, 2025

Weriye ka tirsan Aljazeera TV oo ka hadlay xaaladiisa markii uu muddo la xanuunsanaa Cudurka Coronavirus

Weriye ka tirsan Telishanka Aljazeera ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad, kadib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Zeyn-Alcaabidiin Towfiiq oo ka mida weriyeyaasha caanka ah ee Aljazeera ayaa sheegay in markii uu safar shaqo oo dibadda ah kasoo laabtay uu is-karaantiilay, markii la baarayna laga helay cudurka Covid-19, wuxuuna intaasi ku daray in markii hore ay xaaladiisu fiicneyd, laakiin uu dareemay xumad iyo markii danbe oo uu ka tegay dhadhanka, kadibna lala tacaalay xaaladiisa.

Isagoo lagu wareystay barnaamijka Subaxnimadii ee Aljazeera ayuu faahfaahiyey inuu weli ku jiro xarun karaantiil oo laga rabo in saddex baaritaan oo kale laga qaado, laakiin markii natiijadii koowaad ay noqotay inuusan qabin, laakiin kii labaad ay sheegtay inuu cudurkii weli jiro, taasoo weli aan la fasaxin, balse uu dareemayo inuu caafimaad qabo.

Weriye Zeyn-Alcaabidiin ayaa sheegay in cudurka Coronavirus aanu la mid ahayn dhammaan wixii uu hore u soo arkay, isla markaana uu maqaallo ka qori doono arrintan, isagoo uga faa’iideystay xilliga uu karaantiilka ahaa inuu wax badan akhriyo oo dibna ugu laabtay arrimo uu hore u xiisayn jiray oo waqti aanu siin jirin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON