Weriyaha caanka ee Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu taagan yahay xilka Xoghayaha Guud ee ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, isagoo codsaday in lagu taageero sidii uu xilkaasi ugu guuleysan lahaa.
Qoraal kooban oo saxafiga uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu yahay inuu doonayo isbedel la taaban karo inuu ku sameeyo ururka NUSOJ, soona celiyo karaamadii iyo sharaftii Suxufiga Soomaaliyeed.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA MACALIMUU
Sida ay saaxiibo badan oo Facebook-ga ay la socdaan waxa aan murashax u ahay xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ( NUSOJ) .
Waxaan ahay wariye xog ogaal u ah xaaladaha ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dalka jooga, kuwa ku nool dalalka dariska ah.
Waxa hamigeygu uu yahay in aan isbadal la taaban karo ku sameeyo Ururka oo aan soo celiyo karaamada iyo sharafta Suxufiga Soomaaliyeed aniga oo kaashanaya maskaxda iyo aqoonta wariyayaasha Soomaaliyeed sidaa awgeed waxaan ka codsanayaa wariyayaasha codka bixinaya, kuwa aaney u suuragalin ay cod dhiibtaan in intuba ay i siiyaan taageeradooda.
Saaxiibada Facebook taxa aan iyaguna waxaan ka codsanayaa inay taageeradoodu ku muujiyaan barraha bulshada. Qosolkuba Hiila wuu galaa.
Walaalkiin Maxamed Ibraahim Macalimuu
Goobjooge.com