Tuesday, June 24, 2025

Weriyihii soo bandhigay Kiiska Axmed Dowlo & Lamaanaha sababay dilkiisa oo shaaciyey in Dil loogu hanjabay

Weriye Munasar Maxamed oo ka howlgala TV-ga Dalsan ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho oo si weyn u tebiyay kiiska dilka Marxuum Axmed Dowlo iyo lammaanaha uu adeerka u ahaa ayaa shaaciyey in dil loogu hanjabey.

Weriyaha Muuqaal uu soo duubay soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ku sheegay inuu helay farriimo is daba joog ah oo loogu hanjabayo in la dilayo kadib markii uu warbixinno badan ka sameeyay dhacdada dilka Axmed Dowlo oo kasoo jeeda Beesha Bantu sida uu yiri.

Weriye Munasar Maxamed ayaa baaq u diray ururka Saxafiyinta Soomaaliya isagoo sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto, wuxuuna intaas  ku daray in halis noocaasi ah aanu weli wajihin, weriyaha ayaa ku fariintiisa u adeegsaday luqada Ingiriiska.

Inkastoo aanay caddeyn cidda u hanjabtay weriye Munasar oo hore ugu soo shaqeeyay Univeral TV iyo Goobjoog ayaa haddana waxaa la ogyahay in kiisaska noocan ah ay weriyeyaasha ku raadiyaan fursad ah in loo qaado dibadda.

Xirfadleyaasha Saxaafadda ayaa warbixinadii Munasar ka sameeyay kiiska Axmed Dowlo iyo lammaanaha sababay in la dilo ku tilmaamay barnaamijyo hal dhinac u janjeerta oo aan ku guuleysan in dhinaca qoyska ay ka soo jeeday gabadha la soo xigto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON