Sunday, July 13, 2025

Wiil Soomaali ah oo noqday qofkii ugu Da’da yaraa ee Shahaadada PhD ka qaata Jaamacaddaha dalka Philippines [Sawirro]

Jaamacad ku taala dalka Philippines ayaa wiil Soomaali ah u aqoonsatay in uu noqday qofkii ugu da’da yaraa oo taariikhda qaata shahaadada PhD-ga oo ah tan ugu saraysa waxbarashada, waxayna guddoonsiisay shahaado sharaf.

Wiilkan oo lagu magacaabo Mursal Suldaan Cabdullaahi Saalax ayaa ka qalin jabiyay jaamacada Luzon ee magaalada Dagupan ee dalka Philippines, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad illaa tan ugu dambeysa.

Mursal ayaa sheegay in uu ku dhashay magaalada Baraagaha Qol ee gobolka Sanaag, waxbarashadiisa hoose dhexe uu ku qaatay magaalada Boosaaso, halkaas oo markii dambe jaamacadda kasoo aaday.

Mursal Suldaan Cabdullaahi Saalax
Mursal Suldaan Cabdullaahi Saalax

“Waxaan wax u bartay dalkeyga hooyo, isaga ayaanan doonayaa in aan aqoontayda ku celiyo, waxaanan ugu baaqayaa dhalinyarada Soomaaliyeed in ay wax bartaan, dalkoodana ku laabtaan, oo ay iska dhaafaan tahriibta” ayuu yiri Mursal oo qadka taleefoonka BBC-da ugu waramay.

Maamulka jaamacada Luzon ayaa Mursal ku ammaanay dadaalkiisa sida ka muuqata shahaado sharafta hoose, waxayna sheegeen in Mursal oo 27 jir ah uu galay diiwaanka taariikhda jaamacadda.

Mursal ayaa sheegay in waalidkiis ay ku dhiirogaliyeen waxbarasha iyo in uu ka gaaro heerka ugu sareeya, wuxuuna sheegay in sababta uu u noqday qofka ugu da’da yar ay tahay in dadka intooda badan marka shahaahada koowaad qaataan ay shaqo tagaan, balse isaga uu joogteeyay waxbarashada.

Waxa uu qaatay shahaadada ugu sareysa, isaga oo ku qaatay cilmiga maamulka iyo maareynta, isaga oo jecel in uu Soomaaliya dib ugu laabto.

“Waad iska fahmaysaa ardaynimo horta wax sahlan ma ahan, waliba marka aad wax ka baranaysid meel aan ahayn waddankaagii, waxa ay u baahantahay dhabar adeyg, caqabado badan ayay leedahay, balse alle ayaa ii suurtogaliyay riyadaydii aan ku taami jiray illaa yaraanteydii” ayuu yiri Mursal.

Wiilkan Soomaaliga ah waxa uu ka mid yahay dhalinyaro tiradooda sii kordhayso oo dalka dibediisa waxbarasho u raadsanaya.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and hat

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 7 people, people standing and indoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON