Friday, June 27, 2025

Wiil uu adeer u ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo duqeyn lagu dilay Dalka Ciraaq

Waxaa la xaqiijiyay in dalka Ciraaq lagu dilay wiil uu adeer u ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Wiilkan oo ka tirsanaa kooxda Khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa heysta dhalashada Canada, waxaana lagu magcaabi jiray Faarax Maxamed Shirdoon, wuxuuna hore ugu biiray Daacish isagoo barbar dagaalami jiray kooxdaasi.

Sida ay qortay jariirada SUN ee kasoo baxda magaalada uu ka soo jeedo wiilkan ee Calgary, waxaa lagu dilay duqeyn bishii July ee sannadkii 2015-kii ka dhacday magaalladda Mosul ee dalka Iraq.

Sarkaal u hadlay Xafiiska Arrimaha Dadweynaha ee Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ayaa warkaasi ku xaqiijiyey Wareysi uu siiyey Wargseyska Postmedia ee ka soo baxa magaalladda Toronto ee dalka Canada.

Faarax Maxamed Shirdoon wuxuu  uu ku dhashay magaalladda Toronto ee dalka Kanada, ka hor intaysan  Qoyskiisa u soo wareegin magaalladda Kalagari oo uu wax ku bartay.

Faarax Maxamed Shirdoon oo 24-jir ahaa, laguna naanaysi jirey Abu Usaamah Asoomaali waxa dalka Syria tegay Sanadkii 2014-kii, waxa uu noqday ahaa Afhayeenka Rasmiga ee Dagaalamayaasha Kooxda Daacish. Isagoo soo bandhigay Muuqaalo xayeysiin u ah Kooxda Daacish iyo kuwo uu ku cabsi gelin jirey dalalka Reer Galbeedka.

Muuqaal Video oo uu soo saaray sannadkii 2014-kii waxa uu fariin goodin ah u diray Dadka Maraykanka iyo kuwa Kanada, isagoo sheegay inay Kooxda Daacish burburin doonto dalalkaasi.

Abu Usamah as-Somali waxa kale oo uu sheegay inuu Alle dartiisa uga soo tegay Noloshii uu ku haystay dalka Kanada, wuxuuna meel Fagaare ah ku gubay Baasaboorkiisa  dalka Canada, iyadoo marar badan la shaaciyay in la dilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON