Wararka laga helayo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay saaka ku dileen degmada Wadajir Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu magacaabo Liibaan Cusmaan Cilmi.
Wararka waxay intaas ku darayaan in dableyda hubeysan oo gaari wadatay ay isku hor gooyeen gaari kale oo wiilka la socday kadibna ay rasaas ku fureen gaari uu la socday Liibaan Cusmaan Cilmi oo dhowaan uu aabihii ku geeriyooday magaalada Nairobi, waxayna Cusmaan Cilmi oo dhalay wiilka la dilay ay isku hooyo yihiin madaxweyne Xasan Sheekh.
Nika la dilay ayaa la sheegay inuu ka howlgalayay Isbitaal ay leeyihiin Imaaraadka Carabta oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay dilkan, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda iyadoo ay goobta shilka ka dhacay ee degmada Wadajir ay soo gaareen ciidamada degmada.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]