Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay in lagu dhaawacay wiil uu dhalay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
Shaqaaqo ka dhalatay doorashadii xalay oo ay isku fara saareen ilaalada ilaaliya Xarunta Doorashada iyo Ciidamo ka amar qaatay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumada Soomaaliya Mudane Nuux ayaa keenay in rasaas badan la is weydaarsado.
Rasaastaas ayaa la xaqiijiyay inay dhaawacday wiil arday ah oo uu dhalay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxayna rasaastu ugu tagtay gurigiisa oo xilligaasi uu ku sugnaa.
Iska hor imaadkii ayaa ka dhashay Kursi ay ku tartamayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux iyo Axmed Sheekh Nuur Food Cadde oo u muuqday in wasiirka looga adkaanayo.
Goobjooge.com