War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wiil uu dhalay madaxweynihii dalka Chad ee la dilay Idriss Deby uu la wareegay talada dalkaasi.
Golaha Qaranka ee ciidamada dalkaasi ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Idris Deby uu xilka sii heyn doono, isgoo ah maaxweyne KMG ah, wuxuuna wiilkan ahaa taliyaha ciidamada ilaalada Jamhuuriga ee dalka Chad oo ah ciidamada ugu awoodda badan dalkaasi.
Arrintan ayaa soo baxday daqiiqado kadib markii lagu dhawaaqay inuu geeriyooday madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby oo isagoo hoggaaminaya dagaalka uu kula jiro kooxaha hubeysan ee ka horjeeda ku dhaawacmay.
Waxaa lagu waday in guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi uu xilka sii hayo inta laga dooranayo madaxweyne cusub, laakiin waxaa durba Golaha ciidamada ay shaaciyeen in wiilkiisa Mohamed Idriss uu xilka sii heyn doono xilka 18 bilood oo doorasho dalkaasi lagu gaarsiinayo.
Waxaa la kala diray Baarlamaankii dalka Chad, waxaana xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalkaasi oo la xiray xuduudihiisa cirka iyo dhulka.

