Wiilashii ugu horeeyay koox Kubadda Cagta ah oo ku go’doonsanaa God ay biyo hareereeyeen muddo laba toddobaad ah dalka Thailand ayaa laga soo saaray Godkaasi saacadihii ugu danbeeyay.
Howlgal ay ku dhaqaaqeeen quusayaal dunida isaga yimid iyo ciidamada Badda dalka Thailad ayaa maanta la qaaday kadib markii biyo badan laga dhuray godka, isla markaana xaaladda cimilada ay soo hagaagtay, waxaana la go’aamiyey in dibadda loo saaro wiilasha kuwa ugu liita.
Arrintan oo lagu tilmaamay howlgalkii ugu weynaa ee abid lagu badbaadinayo dad ku go’doomay Bohol iyo xireen ayaa si rasmi ah u bilwoday xilliga habbeenimo ee dalka Thailand, waxaana ilaa hadda la xqaiijiyey in dibadda loo soo saaray ilaa 4 wiil.
Waxaa weli socda howlgalka badbaadinta oo laga yaabo inuu qaato maalmo, waxaana wiilasha lasoo saaray loola cararray isbitaalada si xaaladooda loola tacaalo, iyadoo saxaafadda dunida ay si toos ah u tebineyso arrintan.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO