Wednesday, June 25, 2025

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka hadlay Xaaladda Dalka & arrimaha Federaalka

Ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa saxaafadda la hadlay markii ugu horeysay muddo sanado ah isagoo ka hadlay fekerkiisa iyo arrimo laga faafiyay.

Ganacsadaha oo hore uga taageerayaasha kooxaha islaamiga ah iyo Maxkamadihii Islaamka ee 2006 ka kacay Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in lagu xanto inuu yahay Alqaacida, balse aanu raacsaneyn falalka kooxdaasi.

Xaaji Abuukar
Xaaji Abuukar Cumar Caddaan wuxuu ku naafoobay shil baabuur

Xaajiga ayaa  xalka Soomaaliya ku jiro ku dhaqanka Shareecada islaamka, laakiin markii xornimada la qaatay 1960  laga jeestay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

“Aniga waa ley xantaa waxaa la dhahaa Al-Qaacida waaye, aniga Al-Shabaab kuma taageersani dadka ay dilayaan, kuwa ay qarxinayaan, dadka la dilayo iyagoo masaa’jidada ka soo baxaya”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo sheegay inuusan ahayn xukun doon oo kaliya uu doonayo in Alle kitaabkiisa loo noqdo, is qabqabsiga la joojiyo, lana joojiyo ku tiirsanaanta gaalada.

Xaajiga ayaa caddeeyya inuu ka aamusi karin xaaladda hibaatada dalka ka jirta iyo lix madaxweyne maamul goboleed oo mar walba Itoobiya looga yeerayo, oo aan lagu arkin mid ka shaqeynaya Qaranimada Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON