Thursday, June 26, 2025

Xaalad cusub oo ku soo korortay Khilaafka Dalalka Khaliijka iyo Dalka Qatar [Akhriso]

Xaalad cusub ayaa laga dareemay khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka iyo Qatar, iyadoo ay shalay ku dhammaatay mudaddii 10-ka maalmood ee loo qabtay.

Amiirka Kuweyt ayaa codsatay in muddo 48 saacadood ah lagu kordhiyo waqtiga ay qabteen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar, iyadoo ay socdaan dadaalladii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in xiisadda lagu qaboojiyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa magaalada Kuweyt tegay, isagoo jawaabta dalkiisa u gudbiyay Amiirka Kuweyt, waxaana wararku sheegayaan in xaaladda ay is bedeshay, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu telefoon kula hadlay madaxda dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Jawaabta Qatar ayaa la sheegay inay ka muuqato debecsanaan ku saabsan qodobadda qaarkood, sida wax ka bedelka taageerada ururrada Xamaas iyo Akhwaanul muslimiin, waxaa kaloo la sheegay in Qatar ay diyaar u tahay siyaasad dalalka Khaliijka ay go’aan mideysan uga qaataan dalka Iiraan.

Waanwaanta uu wado Amiirka dalka Kuweyt ayaa rajo badan laga qabaa, kadib markii ay si buuxda u taageereen dalalka Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska. Waxaana dalalka qaadacay Qatar ee afarta ah ay shir ku yeelan doonaan magaalada Qaahira si ay go’aan uga qaataan jawaabta ka timid dalka Qatar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON