Wednesday, July 2, 2025

Xaalada gabadhii Soomaaliyeed ee isku gubtay jasiirada Nauru oo laga deyrinayo

Xaalada caafimaad ee gabadhii Soomaaliyeed ee isku gubtay Jasiirada NAURU ayaa laga deyrinayaa iyadoo la sheegay in qarka u saaran tahay geeri.

Gabadhan oo lagu magacaabo Hodon Axmed ayaa sawirkeeda waxaa daabacday Jariirada “The Guardian” ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, waxaana ay jirkeeda qabadsiisay dab dhamaan gaaray iyadoo wada gubatay.

Hodon ayaa la sheegay inay ahayd 21 sano jir, isla markaana ay hore shil u gashay oo madaxa dhaawac xun ka soo gaaray, markaasoo jasiirada Nauru laga qaaday laguna soo daweeyay isbitaal ku yaala Australia, balse iyadoo diidan dib loogu celiyay jaziirada oo ah goob ay Australia ku heyso dadka dalkeeda sharci darrada kusoo gala.

Dharkii ay xirneyd ayaa wada gubtay, waxaana xaaladeeda lag tilmaamay inay ka darran tahay  dhaawacii gaaray wiil 23 jir ahaa oo u dhashay dalk Iiraan Omid Masoumali, oo u dhintay markii uu dab is qabadsiiyay toddobaadkii hore isla jasiirada Nauru.

Dowlada Australia ayaa la sheegay inay u dirtay diyaarad Ambulance ah si loogu qaado dhaawaca Hodon oo la geynayo isbitaal ku yaala Magaalada Brisbane.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON