Thursday, June 26, 2025

Xaalada Garbahaarey oo kacsan iyo dadweynihii magaalada oo ciidamada Itoobiya ka difaacaya Guddoomiye Kaliil

Xaaladda magaalada Garbahaarey ayaa aad u kacsan kadib markii uu halkaasi tegay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ee uu xilka ka qaaday Axmed Madoobe. Imaanshaha Kaliil ee magaalada Garbahaarey ayay ka biyo diideen ciidamada Itoobiyaanka ee halkaasi ku sugan iyagoo go’doomiyay guriga uu ku jiray Mudane Kaliil.

garbaharey

Dadka Garbahaarey ayaa isu soo baxay si ay difaacaan Guddoomiy Kaliil waxaana guriga guddoomiyaha uu noqday meel ay buux dhaafiyeen dadka degmada oo ku diidan in ciidamada Itoobiya ay xiraan guddoomiye Kaliil.

“Dadweynihii Garbahaarey oo qofna ka soo harin waxaan ku suganahay guriga Guddoomiye Maxamed Cabdi Kaliil, Amxaaradiina  hubkeedii oo dhan halkan ayay la timid, kama yeeleyno inay guddoomiyaheena wataan, xaaladu waa xun tahay waa la is hor taagan yahay, wax kastaa dhici kara” sidaasi waxaa tiri haweeney ku sugan guriga Maxamed Cabdi Kaliil ee Garbahaarey.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladu weli ku sugan  tahay is mari waa iyadoo dadweynaha Garbahaarey ay buux dhaafiyen Guriga Kaliil oo ciidamo Itoobiyaan ah  oo fara badan ay isku wareejiyeen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON