Xaaladda caafimaad ee weriye C/casiis Afrika oo shalay lagu dhaawacay iska hor imaad dhex maray laba ciidan oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo hagaageysa.
Weriyaha waxaa isbitaalka ku booqday xubno ay ka mid yihiin wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xaryir, agaasimaha Radio Kulmiye Abwaan Guure iyo xubno kale waxaana la sheegay inuu lug ka jabay, isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray tan kale.
Weriye Afrika ayaa dhaawiciisa ku eedeeyay ciidamo uu sheegay inuu watay Korneyl Saney Cabdulle (Dhageyso codka Weriyaha).
Goobjooge.com