Wednesday, July 2, 2025

Xaaladda Itoobiya oo ka sii dartay iyo Dowladda dalkaasi oo xaalad degdeg ku soo rogtay

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday Lix bilood oo xaalad degdeg ah, ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya.

Xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay Itoobiya ayaa caddeyn u ah xaaladda dalka Itoobiya mareyso ee ka danbeysay kacdoonka ay wadaan  Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

oromoo2

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen
November-tii kal hore. Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

oromoo1Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka amaanka inay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.

Wasiirka warfaafinta ayaa BBC u sheegay inay ka shaqaynayaan faahfaahinta xaaladda degdegta ah ee dalka lagu soo rogay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON