Wednesday, July 2, 2025

Xaaladda magaalada Baydhaba oo kacsan & Ciidamada Itoobiya oo afduubtay Mukhtaar Roobow

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa kacsan, kadib markiiciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan magaaladaasi ay afduub ku wateen Mukhtaar Roobow Cali, iyago ka kaxeystay xarunta Madaxtooyada.

Rasaas ayaa laga maqlayaa magaalada, iyadoo aan la ogeyn halka ay ciidamada Itoobiya u kaxeysteen wadaadka. Wararka aya sheegaya in ilaalada Mukhtaar Roobow ay ciidamada Itoobiyaanka jirdil u geysteen.

Arrintan ayaa imaaneysaiyadoo dowladda Soomaalida ay dadaal xoog leh ugu jirtay inay wadaadkaasi ka reebto doorashada madaxweynaha K/Galbeed oo lagu wado inay dhowaan ka dhacdo magaalada Baydhaba.

Waxaa muuqata in xaalad cusub ay gashay doorashada K/Galbeed iyo magaalada Baydbaba, iyadoo dowladda Soomaaliya ay adeegsatay ciidamada Itoobiya si doorasahda looga reebo Mukhtaar Roobow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON